TAARIIKHDA GOBOLKA GOOEY

Gobolka Godey waxaa lagu magacaabi jirey GOB waxaana isku dagaaley jabhadii nasrullah iyo xukuumadii xayle salaase uu hogaaminayey Xayle salase oo dagaal adag uu kudhaxmarey halkaas oo ciidamo xoogan lagaga dilley halkaas

Dowladii xeyle salaase ayaa go’aan ku gaartey in tuulada BUULO MASHKOOKE lasoo raro lana dajiyo godey Godey oo istaraajiidi u ah dhamaan gobolada dalka

Magaalada godey oo markaa lagu magacaabi jirey ban godey ayaa waxaa laga hirgaliyey 6 qodob oo muhiim u ah nolosha aas aasiga ah

1. MASAJIDKA
2. ISBITALKA
3. ISKUULKA SAYIDKA
4. AIRPORT (gaaroon diyaarad)
5. BEYMINGISTI (guriga dowlada)
6. KANIISAD

Iyadoo wadooyin waaweyna loo dhisey si istaraajiidi ahna loo dhisey

1977 dii ayay dowladii siyad bare dagaal kusoo qaadey caasimada dagaalkaas oo socdey 13 maalmood iyadoo ay ciidamadii dowladii siyad bare soo dhaafi waayeen haarta shiilaha ee koonfur kaga aadan magaalada godey Kadib dhabar jabin lagu dhuftey ciidamadii xabashida waxaa magaalada gacanta kudhigey ciidamadii dowladii siyaad bare dadkii halkaa kudhaqanaana ay qaxooyi ahaan ugaleen dalkii somalia

1993 dii bur-burkii xukuumadii siyad bare kadib ayaa malez zanawi xukunka talada dalka ethiopia gacanta kudhigay Godey waxey caasimad unoqotey OGADENIA iyadoo isugu yimaadeen jabhadihii kadagaalamayey Waxaana ugu weynaa JABHADA ONLF IYO WSLF oo xiligaasi jabhadaha kali ah ee ethiopia caqabad hortaagan ku ahaayeen

Godey waa magaalo saldhig u ah halgan kasta oo ogadenia ka kaca

GODEY GACALO heybad iyo kala sooc midna malahan bulshada kudhaqana wax dhibaato ah lama aynan kulmin

Godey 2001 waxaa laga hirgaliyey mac’hadka beeraha xoolaha nool Godey 2010 waxey marti galisey nabadii ay qaateen WSLF iyadoo si kaash laab ah loogu soo dhaweeyey

Godey waa magaalada kali ah ee la Desin gareeye iyadoon ladagin Godey waxey kakoobantahey 6 xaafadood oo waaweyn oo bulshada kunool ay aad ugu baahsanyihiin, Sidoo kale waa magaalo istiraajiidi u ah gobolada kale ee dowlad deegaanka soomaalieed ee ethiopia isku xirto

Caasimada Godey waxaa kuyaalo in kabadan 7-8 oo waaweyn kuwaas oo kadiwaan gashan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ethiopia kuwaasoo isugu jira dugsiyada hoose dhexe iyo saraba. Waxaa kaloo kuyaaloo tiro

1. Godey
2. Dhanaan
3. Mustaxiil
4. Feerfeer
5. Iimey
6. Qalaafo
7. Cadaadle
8. Galbedka Godey
9. Ceelweyn