25 25 25=75 Qiso Dhameystiran oo kusaabsan Noloshaada oo idil

sadex wiil ayaa usafrey wadan aad ufog waxeyna dageen guri aad udheer oo kakooban 75 dabaq waxeyna dageen dabaqa usareeya ee 75aad waardiyihii daarta ayaa usharaxey nidaamka daganaanta Guriga wuxuuna kuyiri ”waxaa kajira nidaam kaduwan kan kajira wadamadiina”

Wiishka daarta lagu fuulo 10:00 Habeenimo ayuu automatic isku xiraa waxaana laga xukumaa meel aad ufog oo haduu mar isxiro cid furi karto majirto marka waa in aad soo dheelmataan 10:00 Habeenimo kahor! Waxuna kacodsaday in ay warkaa sifiican ufahmeen waxayna ku adkeeyeen in ay fahmeen

Hadaba habeenkii 1aad waxay soo dheelmadeen 10:00 habeenimo kahor Laakiin habeenkii 2aad bey tamashleyntii la dheeraatay waxayna yimaadeen iyakoo aad u ordaya 10 iyo 5 daqiiqo Nasiib xumo albaabkii wa uu xirmey halkii bay oohin iyo qeylo lafariisteen waxeyna waceen qofkastaa oo ay umaleeyeen in uu daarta ufuri karo Laakiin faa’iido la’aan markay quusteen waxay kuheshiiyeen in daarta jaran-jarada kufuulaan illaa ay dabaqa 75aad ka gaarayaan waxayna kuheshiiyeen in mid walba kasheekeeyo Qiso dheer oo xiiso badan oo ay soconayso inta ay fuulayaan 25 dabaq si ay isu ilowsiiyaan Daalka iyo Jilib xanuunka.

Kii 1aad wuxuu yiri ani waxaan hayaa qisooyin marqaan badan oo qosol idinku dilaya illaa aad is ilowdaan, oydaan Daalba iinaan xasuusanin.
Waa una sheekeeyay illaa ay qosol la dhiman gaareen Daarta oo dhana laga maqlayay qayladooda illaa ay ka gaareen dabaqii 25aad

Kii 2aad wuxuu yiri ani mahayo sheekooyin lagu waasho balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqda ubadan oo taabanaya Nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha waxa lagudboon qofka rabo in uu guul iyo horumar ka gaaro ama wax fiican sameysto IWM, waana usheekeeyay isagoo siiyay Tusaalooyin, Waano iyo dhacdooyin farabadan Illaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.

Kii 3aadna wuxuu yiri ani waxaan idiin hayaa qisooyin kasameysan dhib, xanuun, iyo wareer maxaa yeelay waad soo maqasheen sheekooyinkii qosolka, iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqda kusalaysnaa marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka, iyo dhibka badnaa labadii kalana waxay dhaheen ”soodaa maxaa yeelay waxaan rabnaa in aan gaarno aurigeena inakoo daalka iyo haraadku naga batay si aan isla wakhtigaasba useexano”.

Wuxuuna uga sheekeeyay illaa ay kaso gaareen dabaqii 75aad iyakoo daal ladhici raba wuxuuna kusoo gaba gabeeeyay qisadan aadka unaxdinta badan

In aan furihii guriga kusoo iloownay waardiyihii dabaqa 1aad joogayna taas lasocda, 3dii waa lamiyir daboolmay waxayna kudhaceen qolkoodii hortiisa iyagoo naxdin udhiman gaareen.

Qisadu waa mid laga naxo balse waxay kusalaysantahay xaqiiqda nolosha bini aadamka ee caadiga ah o hadaan uqeybino 3 qaybood waxay noqonaysaa 25 25 25=75 intaasna waa cummriga sare ee qofka caadiga ah uu gaari karo oo waa tuu Rasuulkeena scw noosheegay in umadiisa cimriga inta udhexayso 60 illaa 70 wax yarna ay halkaa dhaafi karto Hadaba maxay kalayihiin 3 qaybood?

Waxaa badan in dadku 25 sano ay dhalinyaranimo kunoolyihiin Nolol ubadan Cayaar, Fikir la’aan, Madadaalo waana wakhtiga u qofku ugu xooga badanyahay uguna firfircoonyahay Hadii uu dhinaca kheyrka ujeedsadana uu waxbadan qaban karo.

25 xigtana inta badan waxaa lagu mashquulaa, Nolashii dhabta ahayd:- shaqo raadin reer dhisid ilmo dhalid iwm waana wakhtiga tabcashada.

25ta Danbana waxaa bilaabanta caafimaad daro xanuun joogta ah, daawo qaadasho badan Da’da oo la isku naco shaqadoo ll diido qofka da’diisu 50 kor udhaafto dhinaca kalana ilmihii dhibkooda ayaa sii bata.

Qisadaan waxa udanbaysay uguna xanuun badnayd dhalintii kii udanbeeyay ee yiri ”waxaan hoos kusoo iloownay furihii guriga”

Taasi maxay ka dhigantahay? Jawaabtu way sahlantahay oo dadka badankoodu marka ay Da’yarta yihiin waxay illoobaan Diinta Rabi swt Qaadashadeeda, ku dhaqankeeda, Wax uqabadkeeda iyo Ujihaadkeeda.

Taasina waxay lamid tahay qof isagoo kasoo tagay furihii Gurigiisa/Qabrigiisa uu kugali lahaa Raali ahaanshaha Rabina uu ku mudan lahaa uu kasoo dhumay goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan sahay heysanin, Waxaana hubaal ah in qofkaasi lakulmayo Ciriiri farabadan, Shaleyto iyo qoomamo.

Taasina waxay na tusinaysaa Xadiiskii Nabigeena scw in maalinta qiyaamada ay jirayaan 7 tilmaamood ooo dadka layimaada ay harsan doonaan Carshu Rahmaanka oo aysan jirin hoos maalintaa la harsado,
Waxaana kamid ah qof dhalinyaranimadiisii kusoo barbaaray Alle kacabsi, Iimaan, iyo Khayr dhamaantii, Oo aan soomarin xiligii Waalidda, madadaalada, Hawo raaca, Diin kafogaa, iyo qiimaha ay arintaasi leedahay.

WQ wllkiin Farah Garane
farahgarane@journalist.com
ama
Farahgodey@gmail.com