Tanka Caashaqa: Geeraar
Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso badan
Jaceyl Xiiso Udaa Calafkana waa halkiisa
Runtii Jaceyl intuu Naafeeyay Tiro Cadad
laguma koobi karo, Inta is jaceyl waxaan
urajeynayaa qof weliba inuu dhowro
dhankiisa caashaqa lamaanihiisa si
horumar loo gaaro looguna hortago
dhalanteedka jaceylka faraha badan
kuhaayo.
Tixdaan Gaaban Ee Lamagac baxday Tanka
Caashaqa waxaa curiyay Ibrahim Ali abdi
{Kalafoge} tixdaan abwaanku wuxuu
kusoo bandhigayaa siduu jaceyl ugalay
Waatan kabogo.
Caashaq baa igu dheeraadoo.
Dhuuxiyo lafahaba.
Dhamaantood kunagay.
Intuu ikala dhantaalluu.
Dhalan rogay nafteyda.
Tankuu iidhuftay.
Wadnahaa idhaqaaqoo.
Hoos buu udhacay.
Intuu ikala dhiijiyoo.
Dhiigeygii miirtay.
[adsenseyu2]
Dumarka waa kan dhowreee.
Muxuu raga udhameeyaa.
Siduu iidhuftay caashaq.
Boog aan dhayay buu.
Qolfihii kadhigtay.
Macaan ladhadhamiyo iyo.
Dhadhanka aduunyada.
Dhanna iima tusin.
Ka dhuubmay ushiyo.
Tabtii dhebigii.
Waxbaan dhadhabaa.
Dharaarkastoo iftiinto.
Dhanna iima rido.
Ilin baan dhaxal uleeyahay.
Waxaan dhici Karin buu.
Run iiga dhigay.
Dhageyso dadkaba.
Dhagteeydii wey diidoo.
Jaceylbey unuglaatay.
Dumarka waa kan dhowreee.
Muxuu raga udhameeyaa.
Dhoohane sidiisii baan.
Dhabanada haaystaaa.
Ilmadu dhabankeeygeey.
Sidii dhabihii kuqulqushaa.
Dhayal hamoodina.
Dhab jaceyl baan joogaa.
Wadnaha dhidib adag iyo.
Dhufeys buu kadhistoo.
Dhimbiluu igu noqday.
Iyo dhamacii naareed.
Dumarka waa kan dhowreee.
Muxuu raga udhameeyaa.
Laftiyo dhuuxuu.
Dhexdoodu galay.
Dadkoo dhaxamoonayaan
Keli dhididayaa.
Intuu ikala dhantaalluu.
Aduunyo maran iidhiibay.
Intaan dhimanoo.
Dhoobada kahoos marin.
Yaa caashaq iga dhicinayoo.
Dhankeyga joogayo.
Dhufeys illa galayo.?
Intaan dhimanoo.
Dhoobada kahoos marin.
Harajo dhigin.
Dhagta iigu sheegayo.?
Inan dhagweynoo.
Jaceyl cunaha kudhagay.
Waxbo dhaadin baan ahaye.