FARIIMO JACEYL

( S) Sahal maahan caashaqa hadaan
lagula sideynin sibir waaka qaraar
yahay samada iyo dhulka
dhaxdooda saan qaadku badanaa
samirkuna wacanaa silsilad waaye
dunidaane hadba si kugu soo
mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa
furiin maxaa ka dhigay?.
( S) Suuban waxaan kaliya Dadka
kaala soobaxay Suugaan kuugu
tiriyaa Samo kuugu dhawraa
Samaan kuugu heesaa Suleekha
kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida
Sidii sabi dhalaameed Saxar kaaga
ilaashaa Waa jacal i,saarnaa Sadax
iyo toban sano Sidii tiriig siraadnaa
Ayaa igu siyaadoo Saameeyay
molashoo Aan laseexan waayoo
Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu
salaamoo Sanka iga duleelshoo
Suudiyo cadceedkulul Saynabeey
i,dhigayoo Maanta aan
lasoognahay Hadba dhinac
ii,sida,oo Marba,aan lasarakici
Naftu way siloontoo Samir qaadan
waysoo
( S) Xumaan iyo nabsi ruux
xambaarsaday xashaash ku noolaan
maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo
xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma
gaaraayo, xiliga maanta la joogana
xaalka aduun yaalo xifaalo malaha,
xili leys xisaabinaayo xabaasha
aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.
( S) Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib
umaan dhigin damac daranaa
dusha leyga saaray daaraha
dushoodbaa dahab ley suray, dad
kulul aan danqasho laheyn
dooqaaga haduu galo dad looma
eedsado, daahirii rasuulkeena iyo
daa’inkii na abuurtaan dartood aan
kugu deeyay.
( x) x iiso caashaqeynii xaashaa
lillahiye xushmad buu muteestay
xulashadi haweenkay xil tii iga
mudneydey xaalkaadu siduu
yahay xiskaad iiga tiiloo waan
kuu xakaaraye xaajiyo sidee tahay
xalay aawadaabaa xarig laygu
taagoo xamaaskeygu baxayee
xamar baan u xiisaye xaalkiis war
iga sii. by zoo
Insert Another Sub Header Here
AMAAN GEERAAR AH
Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy waa
mooduuc wacan
Habooney Ilhaan
Haada iyo shimbiraha
Heybad adaa ka sidatee
Hanaankaaga wacanbaa
Halbowlaha igooyoo
Hurdo waan ka quustee
Hud-hudka iyo shimbirahaa
Haatuf iigu sheegay
Hadaad aragto Ilhaan
Hamuuntaada caashaq iyo
Hamigaada u sheeg
Hidihii dhaqankaad
Huunooy sidataa
Ha’ii jabinin nacabkee
Hiil ii noqo abaayo
Hadalkaan oran lahaa
Hoosta adaa ii dhigtee
Huunooy waaban kaa helay
Luuley dhaayahaaga buluugga ah
dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga
dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la
qoraan
Luuley la dheygagay dumarkaad wax
dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar
arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo
dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan
wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu
dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey
dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa
dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa
culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu
fududaa ,
dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac
ma seexdo..
……………………..end…………………………
Luuley dadka taan ka
doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad
ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka
qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha
dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka
wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha
daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel
macaaneey
daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga
dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo
leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro
salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo
habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada
waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan
dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
………………………end…………………………. .
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu
sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada
wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka
shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u
eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii
jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I
saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila
qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku
amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku
jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday
dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu
tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan
si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
…………………….end………………………………….
Luuley dooqiyo jaceylkuba dadka wey
wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama
waayo,
diintiyo qur’aankuna culimadu ma
deyso,
anna doonistaadii kama daallin
inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad
dareentaye
Maad ila dadaashid?
Luuley cowsha duurka joogtiyo ,
dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan
daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu
duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale
igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu
xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu
daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
……………………end…………………….
Jaceyl taabaqaaday baan
Udubkiisa taagayaa
Ubax baan tilaalayaa
Togaan ka waraabiyaa
Turxaan baan ka dhoorayaa
Si uu iska tiiriyaan
Anigu taageerayaa
Turxan baan ka dhoorayaa
Timo waan u firinayaa
Arooska ku talagalka
Ayaan tabanaabiyaa
Howl baan sii tiidsadaa
Axdigii waygu taagan yahay
…………………….end……………….
Kicin roob sidiisii
Kalgacaylku waa kedo
Kasha kuu fariisto
Ma kifaaxo ruuxoo
Karisyaha u joogsadaa
Anigu teydu waa halis
Waa mid sii koraayoo
Qalbigeyga lagu karay
…………………end…………………..
Har iyo haweenaan
Ar hoodii hoodii ar hoodii
Hoygiin soo iraa
Ii hiili caashaqaa
Hilibkeyga waa kala hoobtayee
Kala hoobtayee hiloowgaadiyee
Halbowlaheyga adaa ku heeraaranee
Hamuuntii jaceylkaadaa
I hogaamineysee
Waan hoobtayee hankaagaa Halisaan
galee
Halisaan galee Halisaan galee
Har iyo haweenaan
Ar hoodii hoodii ar hoodii
Hoygiin soo iraa
Ii hiili caashaqaa
……………end…………… .
Dunidu wey hormatee
Dadkeygiyoow waad danbeysiin
Diinbaa inaga dhaxeysee
Horta maxaan isku diidanahay
Dalka yaa iska leh?
Ma duul shisheeye baa leh
Kan dib u heshiisiinta doonayo
Dalkana difaacayaa leh
kan la soo dirayoow
Ina kala dilayoow
Dabka isku keen dhiibaayo
Dantiisu maxay tahay?
Aan idiin dareensiiyo
Taariikhdu dib u raac
Waa diiwaan qoranee
Haddii aad damqaneysaan?
Imisaa dagaaladii
Dal shisheeye u dhoofay
Imisaa dagaaladii
Dooni bada ay la degatay
Imisaa dagaaladii
Daryeel caafimaad
daawo loo waayay
Imisaa dagaaladii
Duunyadooda lala wareegoo
Darbi ay ka fadhiyaan
Imisaa dagaaladii
Dantooda iyo dugsiyadooda u
seegtay?
Imisaa dagaaladii
Doolar dhaqankooda u doorshey?
Imisaa dagaaladii
Daad biyo u qaaday?
Imisaa dagaaladii
Daroogo xaanshi ku duutay
Dalka wuu xulufoobay
Dareen yaa ka taagan
Kii debeda joogana
Daryeel ma haystoo
Dareenbaa ku taagan
……………..end…………………..
Umadii cizeynta diintooda
Islaamka ku caasiyaan
Alla wuu u caroodaa
Ciqaab adag uga dhigaa
Cudur ceynba ceyn leh
Colaad sokeeye
Cibro waan aragnee
Casharkeeda dheeree
Cabsi ilaaheybaa lagu
Ceyman karaayee
Caqiidada dhawree
Caalamkoo idil maanta
Ku caan baxa oo
Cadaaladiisa loo bogo
Aan caleema saarnee
Ceelna nooma qodnee
Cidna nooma maqnee
Ciidaa dhulkeena
Cimiladeeda fiican
Cadaw yaan loo cidleynin!!!
……………….end………………….
Adoon baalahaba eegin
Hadaad ka bilaawday Howsha
Bilaaw inaad ku goyso
Jaceylkeenii barbaarintiisa
Dhibaata ugu bareeray
Aqoontaadaan badneen
……………….end……………….. ..
Adoon boqon gooyadeyda
Biraha u afeysanaya
Hadii beer laxawsigaaga
Baxnaanada ay ku keentay
Adoon bismilaahi oran
Adii aad ka bilaawday
Basiinka inaad ku daarto
Jaceylkaan badbaadintiisa
Nafteyda u bixin lahaa
Garaad kaadaan bileen
……………….end……………………
.
GEERAAR MACAAN
dhaayahaaga buluugga ah
Dhabanadaada guduudan
Timahaaga dhuxusha ah
Ilkahaaga dhalaalaya
Dhabarkaaga ballaaran iyo
Dhexdaadan la qoraan
Suleeqaay la dheygagay
Dumarkaad wax dheertahay
Dhismaha jirkaagaa
Dhaayihii mar arkaa
Dhinac u jeeso oggoleyn
Hadal iyo dhamaantii
Yey ila dhaqaaqin amaantoo
Adna aanan wax kuu dhimine
Murtideyda ila dhuux
Dhimbil baa igu dheggenoo
Maalmahan idhibeysey
Jaceyl bey dhaawacoo
Dhinacaaga iga helay
Caashaqa dhibkiisana
Qofka laguma dhaafo
Dhaawaciisa culusaa
Dhaqtarkiisu yaraa
Dhimashadiisu fududaa
Dhadhan waan ka go’ayoo
Hurdo dhinac ma seexdo
Adaan kuu dhararayaa
Ee dhayal warkey ha moodin!
…………..end………….
GEERAAR MACAAN
Dadka taan ka doortaay
Dareenkii wadnahaygaay
Diirkii jirkeygaay
Dooqeygu tuu raacaay
Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsan
Diiranoo duunyoo idil iyo
Doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo
Halbowlaha dacaladiisiyo
Ku dahaaran qalbiga
Oo diiwaanka wadnihiyo
Ku daboolan caloosha
Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee
I daryeel macaaneey
Daa’inkii ina uumayna
Waxaan kaaga dalbayaa
Deeq inuu ku siiyiyo
Caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed aan
Aan iska dabro salaantoo
Aan usoo daadago
Dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan
Duhur iyo habeen
Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay
Jaceyl bey duufsadoo
Duufaannada waxqaadiyo
Igu diray dabeylaha
Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin
Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy
………………end………………. .
Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.
Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu
Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen
Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.
Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen
Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen
Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa
Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay
Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen
Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen
Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn
Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan
Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo
Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan
Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman
…………………end………………..
Dadku kala ayaan roon
Ama kala aqoon dheer
Ama kala asluub weyn
Hadaan eed la doonayn
Ama deeq Illaahay
Asaraar ka taagnayn
Dadku eexo kaa gelin
Inan yahay la’aantaa
Dumar lama abuureen
Gabadh lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen
Geed beer udgoon iyo
Ku dhex-yaal ugbaadoo
Ubax iyo man fuulaay
Ulihii madheedhkee
Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo
Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo
Arladoo dhan gadhoo
Afar iyo tobnaadaay
Qorraxdoo aroortii
Dhulka soo abbaartoo
Sagal iid dhex joogtaay
Waxaad tahay adduunyada
Dhexda udubka haystoo
Xejiyoo adkeeyoo
Af-gobaadsan maayoo
Qurux lama amaahdee
Ashkir geenyo ugubey
Adhaxdiyo laf-dhabartiyo
Sanbabbada agtoodiyo
Ililaha halbowlaha
Eebaa ku mudanoo
Arrintii cuslaatoo
Naftu aammusnaantii
Iimaansan weydoo
Amaleey jacaylkii
Soo dhaafyey uurkoo
Afku haysan waayoo
Goortaan ogaadee
Arammidu dillaacdaan
Ooddii ka leexshee
Axdi jaba abaal luma
Kaa eegi maayee
Igadh iyo maqaarkeed
Innagoo ahaannaan
Hadalkii ku ururshee
Adiguna dheh aammiin
…………………end…………… .
Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy?