Qisadan Waa Qiso Run ah oo Cibra iyo wax Kuqaadasho noogu filan qof kastaa oo rabo in uu usoo noqdo rabigii Swt, iyo sida dariiqa rabi uu inoogu furanyahey markasta waayo waa dariiqa xaqa ah Waana dariiqa rabigeen raxmaanka ah.

  Hadaba qisadii sahra waatan yaa kucibra qaadan?

Sahra waxey kubiloowdey qisadeeda Waxaan filayaa in ay tahey markii iigu danbeysay oo intaan qalin qabsado aan wax qoro waxaan fadhiyaa rukun masaajidka kamid ah. Qisadeydu waxey kabilaabantey xagaas iyo wadankeygii lubnaan kolley wax badan kama xasuusto caruurnimadeydii gurigii qaraabadeey in aan gali jirey xiisadaha diiniga ah iyo inkale muslimiinta. Hooyadeey waxey surtay sariirta korkeeda calaamada kiristanka laakiin waxaan ogaa in aan ahey muslimad in kasta oo aanan waxba ka ogeyn micnaha islaamka. Markii ugu horeysay ee aanu kasoo dagney wadanka New Zealand si aad ah baan ufaraxsanaa waxaan ahaa gabadh yar oo 10 jir ah oo is aragtey iyadoo dhax joogta meel Quruxbadan, Habeysan, Horumarsan. Waxey dhalinyaranimadeydii iigu bilaabantey si aad ukulul waxaan ogaadey in aan aad uqurux badanahey aadna in aan usoo jiidasho badanahey, Dhalinyaradii iskulka ila dhiganeysey waxey usoo tartameen saaxiibtinimadeyda iyo raali galinteyda, Quruxdeyda waxaan kuhelay wax kasto oo aan aheyn Aabe, Hooyo, Iyo Ehel. Aabahey iyo hooyadey way kala tageen mid walbana wuu guursadey Waxey igaga guureen meel cidlo ah aniga kali ah, Arintaasna si aad ah ayay nafteyda wax uyeeshey, Waxaan bilaabey in aan is ilowsiiyo oo an bilaabo nolol cusub. Waxaana bilaabey in aan isdabaro oo aan shaqeysto Quruxdeyduna waxey aheyd furaha aan shaqooyin badan kuheli karo, Naxariis iyo gal-gaceyl waxaa iinoqdey kalmado carabi ah oo an badneyn oo markaan maqlo aan dareemi jirey kool-koolin iyo dabacsanaan oo an heli karin Gabdhaha Austreliyaanka ahi, Dhalinyaradii faraha badnaa ee igu hareereysnaa waxaan kadoortey wiil quruxbadanaa oo habsan waana saaxiibney wuxuuna iinoqdey saaxiibkey iyo wehelkeygii aan lawadaagi jirey dayica iyo hooga Habeen anigoo jooga meel baar ah(meelaha qamriga lagu cabo qamaarkana lagu dheelo) ayaa nin kamid ah macaamiisha Baarka iiso jeediyey fikrad ah in aan kaqeyb galo tartanka quruxda gobolka isagoo si aad ah ugu rajo weynaa in aan ku guuleysandoono islamarkiiba waxaan sawirtey ”Hadii aan ku-guuleysto tartankaas waxaan kaqeyb gali doonaa tartanka quruxda wadanka oo dhan Taajka quruxda aduunkana madaxeyga ayaa lasaari doonaa” weyna dhici kartaa fikradaas raad weyn ayay igu reebtey ninki isagoo is huba wuxuu iisii raaciyey jidhkaan quruxda badan wuxuu uqalmaa dhadignimo iyo jaceylka. Waxaan galey tartankii waana ku guuleystey waxaana noqdey gabadha ugu caansan magaalada aan daganaa, Maalmaheyga waxey noqdeen kuwo xiiso leh nooc kasta oo raaxo ah oo macquul ah midaan macqul aheyba waan dhaxgalley waxaan dareemey in dad badan ixasdayaan wax badana iga sugayaan saxiibkeyna wuxuu ahaa mid mar walba ila socdo ilana joogo Waxaan ka gudbey in aan ahaado gabadhii baarka waxana bilaabey in aan wax xeyeysiiyo joornaalada iyo jara’idyadana kaga sawirnaado bogga kowaad kuwa wax sawirana ay si aad ah uso bandhigaan quruxdeyda iyo jidhkeyga taaaso kaqaadeysa qof kasta oo eega. Waxaan hellay maal farabadan caan bixideydina waxey fursad ii siisay in aan barto dad fara badan oo kamid ah bulshadii aan lanola waxey bilaabeen in ay fidiyaan tafaashiisa nolosheyda in aan ahey carabiyad lubnaaniyad ah taas oo keentey in ay ila soo xiriiran qoysas badan oo dagan Australia oo asalkodu yahey Lubnan waxan dareemi jirey markaan lajoogo xiiso gaar ah oo an dareemi jirin markan meelaha kale joogo. In kastoo ay guryaha iyo dadkuba isku ekaayeen waxaa laga yaaba in u isoo jiidanaayo asalkeyga, Qoysaska qaarna muslim ayey ahaayeen qaarna kiristan aniguse midna man aheyn wax dhib ahna maan dareemi jirin, Qolo walbana waxey ii arkeen in aan iyaga kamid ahey Malaha waa magaceyga Muslimka ah iyo hooyadeyda kiristaanka ah. Illaa ay timid maalintaa iyada ah tolow maalintaas ma runbaa mise waa riyo waxaa imarti qaadey qoys Lubnaniyiin ah oo Muslim ah oo aan sina ujeclaa sina udiiqeysnaa waayo imeyna ogoleyn in an so kaceysto saxiibkey, Runtii waxaan dareemi jirey Nafis iyo raaxo markaan lajoogo qoyskas qorshhaheygu wuxu aha in aan so cunteeyo dhakhsana ugu soo noqdo saxibkey waayo waxan uga balan qaadey in aan wada qaadano habeen lama illaawan ah waxaana kadalbey in u wax walba sii diyariyo. Cuntadii ban miiska uwada fariisaney aniga iyo qoyskii aan lajoogey waxey bilaben in ay kasheekeyaan lubnan iyo wadankii iyago iishegaya muhiimada ay leedahey in labarto afka carabiga ah si aan ula socdo xaalada wadanki waxaan aha maqane joogo waxaana kujawaabey dhoolo cadeyn been ah cuntadi kadib TVga ayay daaren qosol iyo faaleyn ayay dadki intii kale galeen aniguse waxan diqeysnaa wakhtiga kolba saacada ayaan eegayey anigoo tiigsanaya goorman bixi barnaamij kasocdo waxba kalama soconin in kasto oo an fiirinayey…………..Continue……..