XIJAABKA YAA U XIRAY????

Waa Qiso Runtii Cibro Iyo Wax Sheegba Noogu Filan Sida aan Kasoo xiganey Gabadha ay Khuseyso Qisadaan.
Qisadiina Sidaan ayay Kubiloowdey.

Qisadii oo sidan ku balaabatay waa tan:
(Sheekh sida aan kuu sheegay qoyska aan
kasoo jeedo waa dad culamadii hore ah waliba
qeyb wayn kasoo qaatay fidinta diinka.
Labada dhinac ee hooyo iyo aabe waa qooys
culima ahaa, dhinaca hooyaday waxaa jirtay
hooyo awoowgeed hooyadeed dhalay, wuxuuu
ahaa culimada fiqiga dadka bara, wuxuuna ku
noolaa gobolka ……. tuulo magaalada xoogaa
ka baxsan, waxaana asaga ka horeeyey oo
dhinacaas oo dhan sheekh caalim ah ka ahaa aabihiis.

Markii uu aabihiis geeriyoodayna waxaa
xertii la wareegay hooyaday awoowgeed,
marka skeekhaan hooyo hooyadeed dhalay oo
tuuladaaas joogo ayaa waxaa safar soo galay
hooyo aabaheed oo asagana ahaa culimadii
wakhtigaas jirtay, asagoo iska socdo ayuuu
kusoo baxay tuuladaan yar ee hooyo
awoowgeed daganaa, kadibna wuxuu kusooo
leexday moowlicii xerta joogtay sidiii ayey
labadiii sheekh isku barteen oo ah hooyadeey
aabaheed iyo awoowgeed hooyadeed dhalay.
Markaas waa meel amar ka socdaaye, waxaa
wadaadkii la siiyey hooyo hooyadeed,
meeshiisii ayuuna degey, adduunku waa hawl
yaraa, dadkuna dalkooda ayey iska
deganaayeene, waxeey u dhashay hooyaday oo
keli ah, isla markiina wey geeriyootay Allaha
u naxariistee.

Marka maadaama labada wadaad ay saxiibo
dad isku majaal ah noqdeen hooyadeey waxaa
la isla gartay awoowgeed hooyadeed dhalay in
uu korsado, Sidii ayey hooyaday awoowgeed
ula nooleed. Muddo ka dib Awoowgeed wuu
dhintay, taladii reerka waxaa la wareegay
abtigeed hooyadeed la dhashay.
Hooya abtigeed sida awoowgeed aad caalim
uma noqonin, asagoo xoogaa bartay ayuu
askarinimo qortay kadib wuxuu heerba heer
soo gaaro wuxuu u soo wareegay meel
muqdisha u dhow, xaaskiisii iyo caruurtiisii
oo hooyoday u wayntahay wuxuu guri uga
gaday magaalada, guri wayn oo xertiii dib
loogu aas aasay laakin kutubta meesha lagu
aqriyo sida awoowayashii hore asaga ma aqrin jirin ee culuma kalaa aqrin jirtay hooya
abtigeedna wuxuu lahaa

Hooyga iyo quudinta waxaa kaloo cilmiga la aqriyo garab socday oo
ay ahaayeen dariiqo oo way xadreeyn jireen.

Hooyadeey waxeey gabar ka aheyd gurigaas
intaas oo khalqiyah isugu imaatay oo dariiqada iyo dulaabta waxaa dheeraa waxii qaraabada kala duwan ahaa oo ilmahooda
usoo dirsaday in ay waxbartaan oo gobalada soomaliya gobal ay ka imaanin ay yartahay.
Waxaasoo dhan waxaa maamulkooda haayey
hooyadeey.

image
Muslima

Sheekhoow qisada wey
dheertahay Hooyaday gurigii ayaa laga guursaday, iyadoo yar oo 14 jir ah ayaa guur
u horeeyey hal wiil ka dhashay, ka dib Aabe
ayaa guursadey, waxaa la ii sheegay Xoolo 10
dumara lagu guursado inuu Aabe ka bixiyey,
yeelkadeedee Awoowe (Abtigeed) Raalli
xoogaa kama ahayn, sidaa darteed gurigaas
kama ay maqnaan karin.

Waxay socotaba hooya abtigeed iyo aabahay
ayaa is fahmi waayey markeey hooyo gabadha
iga wayn dhashay, hooyo abtigeed waxuu yiri ii fur gabadhayda, aabaheeyna waa ka diidey,
arintiii wexey gaartay maxkamad, hooya abtigeed awood ayuu ku lahaa doowlada wuxuuna ahaa sarkaal sare, kadib aabaheey
hooyadaay maxkamad ayaa looga furay, ayadoo gabar heysato anigana aan uurka
kujiro wxaana laga saxiixay in uusan soo sheegan karin ilmahaas, haduuu imaadana ay
tahay in gacan layskula tago..Dib Dambena Aabe uma aanan arag hal mar anigoo weyn
mooyee..Ilaahay ha u naxariisto…

La Soco: Qeybaha Danbe iyo The Official Website Of Farah Garane

Xigasho Sh Mohamed Idris