Kalmada cifa (dhawrsoonaan) waxay noqotay mid
ku adag dhagahayga, waa kalmad yaab leh oo igu
cusub, sidaas darteed baa waxaan bilaabay inaan
dharkaygii isku qabqabto waxaan dareemay inaan
qaawanahay oo la i wada arkayo!!! Ma garan karo
sida ay wax u dhaceen ; si xoog leh ayaan u
neefsanayay wadnahayguna xoog buu u
garaacmayay…cifa(dhawrsoonaan)….waa mcno
aanan waligay maqal oo qurux badan.. nadiif
ah… daahir ah.. oo bari� ah.. laakiin anigu ihi
ma sidaas.. ma ihi cafiifad � ma ihi mid
dhawrsoon .. waxaan ahay washakh qudhun ah.

Waxaan isku dayay inaan idan qaato oo ka cararo
meeshaba. Laakiin wax baad moodaa inuu kursigii
igu dhajiyay, waxaa khasab igu noqotay inaad
barnaamijkii dhamaysto.. waxaan bilabay inaan
ooyo..ooyo..oon ooyo oo codkaygii uu kor u
kaco ma dareemin in cidi ila joogtay iyo in kale..
si aad baan u ooyay anigoo leh..waxaan ahay
qudhun- caasiyad aan diin iyo asal toona lahayn..
waxaan ahay jidh xun oon cifo iyo sharaftoona
lahayn..Naarta ayaa la igu gubi doonaa..
quruxdaydu waxba ii tarimayso Allaahna wax ku
fali maayo quruxdayda.. Allaah!! Kalmadaas
macaankeeda hore uma dhadhansanin.. waa
kalmad marka uu carrabkaagu ku dhawaaqo u leh
macno xeeldheer oo ku xoogan dhagaha iyo
qalbigaba.�

Ma garan karo sidaan ku gaadhay gurigayga iyo
cida joogtay markaan imidba. Waxaan
baraarugay anigoo hor fadhiya shaashada
kombuyuutarka oo qoraya cinawaanka boga
amrkhaled.net. waxaan bilaabay inaan qoro fariin
gaaban oo ah: walaalkaygii waynaayow waa makii
ugu horaysay ee aan qor warqad ku saabsan diin-
si aan wax uga ogaado Illaahay � Rabbigay,
diinta iyo noloshaydaba. Waxaan ku waydiinayaa
anigoo si aad ah uga khajilsan Allaah ma i
aqbalayaa? Muslimadse ma noqon karaa aniga oo
waxaas oo dhan gaystay?!
Marnaba ma filanaynaynin in uu soo jawaabi
doono, waayo kalmado kooban baan ugu soo
gaabiyaya xaaladayda iyo waxa aan ahayba!
Waayo waxaan islahaa kollay wuu kaa yaqyaqsan
oo uu ku xaqiri haddii uu kuu soo jawaabana �

Waxuu ku odhan: hanala soo xidhiidhin!!
Laakiin jawaabtiisii waxay noqotay si aanan
filaynin oo aanan sugaynin!! Allaah inuu ku cafiyo
oo ku aqbalo waydhici kartaa- way dhici kartaa
inaad Jannada gasho- waad noqon kartaa
muslimad daahirad ah- igamana aha niyad dhisid,
laakiin waa A�yad Qura�anka ka mid ah oo
macnaheedu yahay( kuwa naftooda ku
xadgudbayow ha ka quusanina raxmada Allaah).

Markaan akhriyay jawaabtii si aad ah ayaan u
ooyay …oohinta, tiiraanyadu iyo ilmadu waxay ii
noqdeen hubka aan u adeegsado
towbadkeenidada. Waxaan tamaniyay inaan
ooyo..ooyo ilaa aan dahiro naftayda oon maqlo
haatuf samda igala soo hadla oo i leh waa lagu
aqbalay!
Kombuyuutraku wuxuu noqday rafiiqayga iyo
saaxiibkayga, fariimaha aan u diro boga
amrkhaled.net waxay ii noqdeen kayd iyo kaalmo.
Markii aan helay lambark telelfooka ee Amr
Khaled een la xidhiidhay waxay ahayd markii ugu
hoarsay een maqlo qof igu bilaaba aslaamu
calaykum iyo soo dhowayn- maan ogayn in
diintayda ay dhaqanadaas wanaagsan ee
dabacsan ay leedahay. Waxaa loo qaabilay
telefoonkaygii sidii qof muhiim ah oo la sugayay.
Ma anigii wax aan ogahay sameeyay ayaa ayaa
hadana heli kara in sidan la iila dhaqmo oo la ii
soo dhoweeyo! Taasoo keenta in xubnahaygii oo
dhami si aad ah ay u degaan.

Waxaan bilaabay inaan cajaladihii la ii soo diray
ee Qura�anka ahaa aan si aad ah u dhagaysto
mar walba, meel kasta oo gurayga ka mid ahna
laga maqlo Qura�n; ruuxdaydii waxaa ka
buuxsantay degenaansho iyofarxad.
Waxaan bilaabay inaan xafido Qura�anka makii
ug hoaraysay noloshayda aniga oo raba inaan ka
gaadho wixii i dhaafay si aan kayd uga dhigto
maalinta iman doonta (qiyamaha). Waxaan
xafiday suurada Faatixada iyo Naba� si aan ugu
tukado. Maxay ehelkaygu iiga xarimeen waxan oo
waynaanah? Maxay u dareemi waayeen qiimaha
iyo wanaaga ilbiliqsiyda qaaliga ah ee ah marka
aad Allaah u sujuudsan tahay?!
Waxaan la mid ahay sidii qof habaabay, aad u
daalan, ku soo baxay guri oo albaabkii garaacay!
Oo sugaya tolow ma la iga furi albaabakan? Ma
ka heli doonaa ammaan iyo deeq gudaha guriga?
Qof kasta oo muslim waxaan ku waaninayaa hadii
aan wax waanin karo tuko-tukotuko � inkasta
oo ay khibradaydu aad u yar tahay. Walaal i
rumayso ma jiro wax ka fiican kana dabacsan
salaada iyo Rabbi sw lala faqo ma jiro.
Haddii aan dib ugu noqdo asxaabtaydii
jaamacada, markii ugu horyasay een soo galay
fasalka

Waa inoo qaybta 3aad