Bismillaah Rahmani Rahim

ALLAH Ayaa mahad kulligeed iska leh Xaaluuyahay kan cirka dhisay dhulkana gogley, buuraha
muday, daruurahana wada.
Rabiga quruumihii hore iyo kuwaan dambe, Rabiga samooyinka iyodhulalka, Rabiga Malaa’igta & Rususha, Rabigaas
oo ah kan-og xaalka quraanjo madoow oo habeen madoow dhagax madoow dushiisa
kusocota.

Naxariis iyo nabad gelyo waafi ahi korkiisa ha ahaato Nabigeennii suubanaa Maxamed, xaal uu
yahay raxmaddii caalamka, bishaareeyihii
Jannada, kadigihii naarta iyo cadaabka Alle.
Inta aanaan u gelin qalbiga mawduucan aan
ciwaankiisa kor kusoo sheegnay, waxaan
jecelnahay inaan wax yar kataabanno sideeda
waxa ay tahay xigmadu?.
Xigmadi waa Dhigidda Shay Walba Meeshii Uu Ku Haboonaa, haddii aan si kale u
niraahnana waxay kaloo noqon kartaa xigmadi,
iyadoo hadal yar lagu sheego waxa faa’iido ugu
jirto bini’aadamka Aakhiradiisa Ama Aduunka.

Haddaba waxaa Islaamka soo maray dad badan
oo xigmad laga hayo, xigmaddaas oo ah mid ay kukasbadeen Qur’aanka kariimka ah Iyo Raacidii dhabta aheyd ay  Rasuulka (CSW) raaceen.

Bal aan isla fiirinno Imaamkii caanka ah caalimkana ah ee Ibrahim Ibnu  Ad-ham, oo noolaa qarnigii saddexaad ee
Hijriyada, wuxuuna ahaa Macallinkii imaamka kale
ee caanka ah Sufyaan Ath-thoowrii.

Waxaa hadda kahor dhacday in nin u yimid
Ibraahiim ibnu Ad-ham, oo uu kuyiri:

“Shiikhoow, waa-isaga Ilaahay ku-yiri suuradda magaceeda
layiraahdo GHAAFIR aayaddeeda 60: (RABBIGIIN WUXUU YIRI: IBARYA WAAN IDINKA AQBALINE)
     Haddaba haddii xaalku saasyahay maxaa ducadayada loo aqbali waayey?.
Imaamkii: wuxuu siiyey ninkaas jawaabtaan iyada ah
xigmadana ah Sababta loo aqbali waayey ducadaada waxaa weeye:

~Illaaahey In uu jiro, waad Ogtahey Hadana Ma aadan adeecin.
~Qur’aamka waad Akhridaa Hadana kuma camal fashid
~Shaydaanka waad taqaan Hadana waad dabagashay
~ Waxaad tiri Rasuulka waan
jeclahay Hadana sunnadiisa waad katagtay.
~ Waxaad tiri Jannada waan
rabaa Hadana uma aadan camal falin.
~ Waxaad tiri Naarta waan
kabaqaa Hadana dunuubta kama aadan fogaan.
~ Waxaad tiri geeridu waa shay xaq ah Hadana isuma aadan diyaarin.
~ Waxaad kumashquushay ceebta
dadka Hadana ceebahaaga mafiirisid.
~ Intaas waxaad cunaysaa RIZIQA
Ilaahay Hadana kuma aadan xamdiyin.
~ Intaas waxaad wax ka aastaa
maydka Hadana darsi kuma qaadatid.

Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah isagoo
socda ayuu wuxuu soo maray nin kale oo tiiraanyaysan (murugaysan), markaasuu wuxuu ku
yiri ninkii tiiraanyaysnaa isaga oo samirsiinaya.
Ninyohow tiiraanyaysani waxaan kuweeydiiyey
saddex su’aalood:
IMAAM IBRAAHIIM: Dhulkaan dushiisa miyuu
kadhacayaa wax aan Ilaahay qadarin?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Riziq Alle horay kuugu
qaddaray miyuu kaa nusqaamayaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Cimrigii ALLE horay kuugu
qoray miyay daqiiqadi ka go’aysaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Hadaba maxaa kuugu wacan
inaad murugooto adoo intaas og?.
NINKII: Jooji!! jooji Shiikh!! intaas kujooji!!
Ilaahay baan caabudayaa oo aan ulaabanayaa!.
Haddaba walaalayaal maxay tahay Xigmadda ku
jirta ee aan kaqaadan karno Immaamka labadiisa
hadal ee uu labada nin kula hadlay:
~ Hadalka ninka hore uu kula hadlay waxaa lagala
bixi karaa in ducada aqbalkeedu kuxiranyahay in
aannu noqonno addoommo dhab ah oo Ilaahay
adeecsan rasuulkiisana raaca, waxaa hubanti ah
haddaan saas yeelno in ducadeena Eebbe naga
aqbali doono Inshaa Allaah.
~ Xigmadda uu ninkii tiiraanyaysnaa siiyayna
waxaanu kaqaadan karna ama ay xambaarsanayd
in aan loo murugoon waxyaalo Ilaahay horay
uqaddaray inay dhacaan, isla markaasna RIZIQA,
GEERIDA iyo waxkastoo yimaadaba ay yihiin wax
Ilaahay horay uqaddaray, laakiin haddii aan
bini’aadam nahay, waxaa annaga waajibkeenu
yahay inaan dadaalno oo aan kudhaqaaqno
fulinta wixii uroon adduunkeena iyo aakhiradeena,
wixii Ilaahay noo qadarana aan raalli kunoqono.

Allah waxaan weydiisaneynaa Cafi iyo Caafimaad