Haddii aan dib ugu noqdo asxaabtaydii jaamacada, markii ugu horyasay een soo galay
fasalka anigoo oo xijaab madaxa iigu duuban yahay oo xixidhan dhar iga dabacsan cidna way
garan weyday. Markii ay igu soo urureen waxayila noqdeen sidii dad cusub oo anigu laftayduba
aanan aqoonin oo aan arkay markii ugu horyasay.

Tolow kuwan sidee baan ula noolaa? Masaakiin
malah ujeedo iyo Diin toona.

Waxaan bilaabay inaan xafido suurad Yuusuf cs waa nebigii dhowrsoonaa- ilmo aad kulul ayaa
iga mrka aan akhriyo makii ay marwadii gurigu
ugu baaqday macsiyada, haddii aanu yeelin waxa
ay ka rbatona ay ku hadiday in hoog iyo ba’ ku dhici doono, nebi Yuusuf cs uu ka doorbiday
xabisaka a inuu macsiyad iyo khiyaamo ku dhaco.

Wax Allaah ka qurux badani majiro ha igu qoslin walaal . Allaah wax ka qurux badan oo ka deeqsisani ma jiro- Allaah si aad ah baan u
jeclahay, sidaas darteed baan u adeecay.
Rabiyow waxaan rabaa inaan soo bado cimrigii
igu dhaafay macnodarrda, waxaan rabi lahaa
inaan u adeego diintaada- inaan kor u qaado
kalmadaada . Laakiin ma dhici karto waayo wax
kale ayaad ila doonatay.

Maanta oo Khamiis ha waxaan fadhiyaa
masaajidka si aan u tukado kuuna baryo- waayo
beri waxaan isu dhiibi doonaa dhakhtarka iga qali
doona maskaxda si uu uga gooyo iniino kansar oo maskaxda la iga arkay. Rabbiyow waxaan ahaa
mid si aad ah kaaga fog, Rabiyow maandareensanayn khasaaraha ay leedahay
fogaanshahaasi, waxaan ogaaday inaanay jirin
meel kale oon u cararo- Rabbiyow ma rabo inaan
baryo cid aan adiga ahyan.

Rabbiyow waxa keliya ee aan adduunyada ka rabi
lahaa waa in wax haereeraha iga xiga oo dhami
gartaan Illaahnimadaada si ay u dhadhamiyaan
macaanka ay leedahay u dhowaanshahaagu.
Waxaan tijaabiyay macaanka shahwaddaha
adduunka ee dad badani weli daba ordayaan
macaankaasina waa mid waqti kooban oo
xadidan. Dareenkaas iyo qayladaasi waa
fidradayda (abuurka dabiiciga ah) abuurkaygii oo
baaqaya, waana wax ku jira qofkasta oo aadami
ah. Rabbayow waxaan dareemaya inaan ku qaabili
doono- Rabbiyow waxaan ogahay inaad
denbidhaaf iyo naxariis badan tahay- Rabbiyow in
badan ayaan ooyay waan kuu soo noqdaye ma
aqbashay? Ma igu dartay addoomadaada aad
jeceshahay?
Maalin maalmaha ka mid ma gaadhi doonaa raali ahaanshahaaga?. Rabbiyow cimri
badan baan ku moogaa oon ku ilowsanaa ee
maalmaha yar ee aan kuu soo noqday iigu
denbidhaaf catabadahaaga ayaan cuskanayaaye-
Rabbiyow marti baan kuu ahay in badan ayaan ka
qatanaa martigelintaada e Rabbiyow maad i
aqbali.

Intii aan masaajidka joogay qofkasta wuu i
salaamay iygoo ii wada qoslaya inkasta oo aanay
i aqoonin. Si naxariis iyo kalgacal leh bay iigu
wada duceeyeen markii ay maqleen inaan
xanuunsanayo oo beri la iqali doono. Bal eeg
dugsiga iyo walaaltinimada aan ka qatanaa?!.
Rabbiyow waxaan rabi lahaa inaan haysto maal
badan oo aan ugu adeego Islaamka.. laakiin maal
xalaal ah ma haysto oo aan ahyn cajalado Qura’an iyo kuwo kale oo diini ah ee Illaahow
iga aqbal. Rabbiyow adiga iyo Malaa’gtaada ayaan markhaati idiinka dhiganayaa inaan ka
tanaasulay wixii aan maal lahaa oo dhan, jacayl
aan kuu qabo Rabbiyow dartii.
Rabbiyow haddii aad i oofsato iga raali noqo.

haddii aad i noolaysona igu caawi inaan u adeego diintaada. Walaalayaal ii soo duceeya dhammaan

Walaasheen Sahra Allaah ha u naxriisto ee qalliinkii bay ku
dhimatay.

Qisadan markii aan akhriyay raad weyn bay ku
reebtay naftayda, sidaas darteed baan go’ansaday inaan turjumo. Waxaan kaa codsanayaa marka aad akhrido qisadan inaad u
ducayso walaasheen
Saara.

Allaah khaatumo khayr baan inooga barya dhammaan.

Maxaad ka faa’iidaysatay qisadan?