The Official Website Of Farah Garane

Http://farahgarane.wordpress.com Kadhigo Wahelkaada rumaad markasta iyo meel walba waa https://farahgarane.wordpress.com

NAGU SAABSAN

Farah Garane

Magaceygu waa Farah Garane waxaan kudhashey
caasimada muqdisho ee dalkii soomaaliya sanadii
20 july 1992 dii iyadoo ay xiliyadaas kacurteen
dagaalada sokeeye ee dalkii hareeyey illaa
maantana kasii socda.

Waxaan isaga soo tagey dalkii anigoo kasoo
cararaya dagaaladaas, Ayaa waxaan soogalay
Dalka Ethiopia gaar ahaan Gobolka Godey ee
ismaaamulka dowlad deegaanka soomaliyeed ee
dalka ethiopia iyadoo aan halkaa kabilaabey
waxbarashadeydii oo ay iigu horeysey dugsi
Qur’aamka kariimka ah sanadii 1998 dii isla
sanadii xigteyna ee 1999 kii waxaan kamid
noqdey ardeyda wax kabarato dugsiga Hoose/
Dhexe ee Ugaas mashkooke ee gobolka godey.

Nolosheyda ayaa waxey iigu bilaabantey mid aad
uxiisa badan walloow aanan garanjirin nolosha
dhabta ah iyo meesha ay sal saar lalaadahey.

Noloshayda ayaa waxey aheyd mid kudhisnayd
Farxad, Xiiso aan dhamaad laheyn midaas oo
wakhtiyada qaar aanan xataa garan jirin xiliga
waagu uu dilaacey iyo xiliga ay cad ceedu dhacdey.
Waxaan halkaaa kasii wadey waxbarashadeydii
iyadoo sanadkii 2006 dugsiga dhexe ee ugaas
mashkooke iyadoo sanadii xigteyna aan usoo
wareegey galaaska 7aad sandii 2007 isla
sanadkaasna waxaan fursad uhelay in aan
sanadkaas gudihiisa aan labada galaas aan wax
uga barto, waxaana kunaaloonayay in ay iisuurto
gashey mid kamid ah riyadeydii kowaad.
Waxaana natiijo fiican kasoo hoyey dugsiga
hoose/dhexe ee ugaas mashkooke sanadaas
anigoo isu diyaarinayey sidii aan ugu gudbi lahaa
dugsiga sare ee gobolka godey (Godey Hight
School) sanadii 2008 dii sanadii xigteyna ee
2009 kii aan uga gudbey galaaska 10 aad
waxaana nootimid natiijadii galaaska 10aad ee
aan uga gudbi lahaa galaaska 11aad ama
parperotery ga.

Nasiib xumo waxaa isoo wajahdey in aan isaga
soo taggo dalkii oo aan usoo kacatimey dalkan
kenya.

Runtii kenya ma aanan islaheyn in aan laqabsan
doono jawigeeda waxbarasho, iyo tan nololba,
Waxaana kula kulmey nolol adag taas oo ah mid
qaxootinimo.
Runtii qaxootinimadu waa nolol aad u adag taas
oo aan dhihi karo intii aan noolaa waa mid igu
reebtey xasuus lama illaawaan ah waxaana isku
dayey in aan halkaa kasii amba qaado
waxbarashadeydii, lakiin ma aynan iisuurta galin
maxaa yeelay markii aan tagey iskuulaadka ay
hay’adu maamusho oo aan isku dayey in aan dib
ugu noqdo waxbarashadii waxaa caqabad igu
noqotey in la ii qaabili waayo sidii aanrajeynayey oo aheyd in aan Galaaska 11aad kasii
amba qaado.
image

Nasiib xumo waxaan lakulmey in ay noqoto in
aan primary dib ugu laabto, waxaan dadaal
dheer ugaley sidii aan kor ugu qaadi lahaa
aqoonteyda waxbarasho, balse nolosha oo
aheyd mid adag ayaa iisaamixi weysay in aan
sidaan rabo wax u hello.
Markii aan muddo 3 bilood ah dhiganayey
dugsiga dhexe ayaa waxaan isku wadi waayey
kadib waxaan bilaabey waxbarasho private ah
waxaana halkaa kaga harey iskuulkii, anoo dhinacyo kale ufiirinaayey si aan horey ugu
siisocdo.

Waxaana muddo 1 sano iyo bar gaga baxey
koorsooyin (courso) Nasiib wanaag waxaan ka
howlgaley o shaqo kabilaabey qaxootiga anoo
hay’ad lasexiixdey contract hay’adaas oo ah Save the children.
Anigoo ujeedadeydu tahey in aan kumeel gaar ahaan uga sii gudbo.
Dhanka kale waxaan rajeynayaa bishaan Gudaheeda in ay isoo gaarto ID ga ama
kibandhaha dalkan kenya,
Waxaan haatan joogaa Nairobi, waa magaalo aad
ay nolosheedu u adag tahey sidaas darteed
waxaan udhabar adeygay sidii aan
waxbarashadeyda aan horey ugu soconi lahaa.

Waxaana hada wax kabartaa jaamacad kutaal
dalkan waana kufaraxsanahey mahad idilkeed
waxey usugnaatey ALLIHII KONKAAN ASKUMEY
ee maanta iisuurta galiyey in aan wax kaxasuusto
taariikhdii aan kusoo naaloonayey waxaana
idinku dhaafey,
Wabillaahi towfiiq wasalaam alaykum
warahmatulahi wabarakatu.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: