The Official Website Of Farah Garane

Http://farahgarane.wordpress.com Kadhigo Wahelkaada rumaad markasta iyo meel walba waa https://farahgarane.wordpress.com

HISTORY OF GODEY

image

TAARIIKHDA GOBOLKA GODEY

Godey waa degmo kamid ah degmooyinka sideeda ah ee hoos yimaado gobalka Shabeele, waana caasimada gobolka godey ,sidoo kale waxay ahayd caasimada guud ee gobalka soomaalida itobiya laga bilaabo sanadkii 1992-1994 kabacdi oo caasimada guud ee gobolka dib loogu raray jigjiga xudud ahaan degmada godey waxaa dhinaca bari ka xiga degmada dhanaan dhinaca waqooyi barina waxaa kaxigta degmada qalaafe,sidoo kale waxaa magaalada godey kamara dhinaca galbeed iyo dhinaaca koonfureed wabiga shabeele oo mara dhamaan degmooyinka hoosyimada gobollka godey markii laga reebo degmada dhanaan.dhinaca juquraafi ahaan degmada waxay dhacdaa xariiqa loolka iyo dhigaha ( 5°57′N 43°27′E / 5.95°N 43.45°E / 5.95; 43.45). sidoo kale heerkulka magaalada waa mid dhexdhexaad ah badanaana waxay udhaxaysaa (25-34)˚C
DEEGAANKA
Waxaa lagu  qiyaasa dadka kunool degmada godey tirakoobkii lasameeyay 2005-Tii  tiro dhan 268,529 qof inkastoo sida xaqiiqada ah tiradaas tira aad uga badan eey kunooshahay magaalada maxaa yeelay dadka magaalada daga waxay isugu jiraan dad xolo dhaqata ah iyo beeraleey oo usan tirakoobku gaarin ,degmada godey dadka daga 100% waa soomaali khaastan beesha tolomoge oo ah beel kamid ah beelaha ogaden. Xirfadaha asaasiga ah ee dadka deegaanka waaxay isugu jiraan xoolo dhaqashada Beeraleey.

image
Beeraha Godey

  1. Beeraha degmada godey waxay leedahay dhul beereedka ugu wayn ee deegaanka soomaalida itoobiya 95% deegaanka wuxuu usuubanyahay beerashada,iyo daaqsinta xoolaha ,dhul beeraadkaas baaxada leh ayaa hadii sifiican looga faa iidaysto ayaa wuxuu dabooli karaa dhamaan baahida deegaanka soomaalida ee itoobiya khaasatan mashruuca galbeedka godey oo 60km dhinaca galbeed ka xiga magalada beerahaas ayaa waxay soo saaraan dalagyo kala duwan sida: Bariiska oo beeraley badan oo deegaanka ah eey bilaabeen iney beeraan kaas oo hadii tageero fiican uu helo gaarsiin kara deegaanka iyo gobolada ku hareraysanba isku filnaan dhinaca bariiska ah oo keeni karta in laga maarmo bariiskii laga keeni jiray dibada, sidoo kale dalagyada kale ee sida wacan looga faaiidaystay ayaa waxaa ka mid ah   Galayda Hadhuudhka, Sisinta iyo Fruitis sida muuska,canbaha,babayga,saytuunka,liinta) iyo khudaarta noocyadeeda sida:(yaanyada,karootada,ansalaatada,kabajka,basasha,bataatiga,barbarooniga,basbaaska) iyo kuwa kale oofarabadan kuwaas oo inta badan loo dhoofiyo degmooyinka iyo gobolada dariska la ah degmada godey.

    image
    Xoolaha Nool

2-DHOOFINTA XOOLAHA

Sidoo kale dhaqalaha degmada waxa kamid ah waxyaabaha uu kutiirsanyahay dhoofinta xoolaha nool sida geela, lo’da,adhiga i.w.m xoolahaas ayaa badanaa waxaa loo dhoofiyaa dhinaca soomaaliya halkaas oo looga sii dhoofiyo wadama gacanka carbeed ,tirakoob ahaan xolaha noocyadooda kala duwan ee laga helo degmada waxaa lagu qiyaasay sida jadwalkan hoose kamuuqata.

Animal

Estimated total
number per sqk.
cattle
165,277
4.7
sheep
517,668
42.4 (including goats)
goats
985,869
42.4 (including sheep)
camels
115,498
3.3
asses
10,758
0.3 (all equids)
mules
58
0.3 (all equids)
horses
50
0.3

3-GANACSIGA:s

idoo kale degmamada ayaa aad ugu tiirsan dhaqdhaqaaqa ganacsiga kaas oo dawr muhiim ah ka qaata sare u qaadida noolashada bulshada ku dhaqan degmada godey dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah degmada godey oo dhacda goob istiraatiiji ah iyadoo xudun u ah iskuna xirta baabuurta ganacsiga ee iskaga kala goosha degmooyinka gobolka iyo kuwa kayimaada dhinacaas iyo Soomaaliya.

image
Isgaarsiinta Godey Gacalo


ISGAARSIINTA:
degmada godey waxay leedahay isgaarsiin kala duwan sida garoonka dayuuradaha ee godey (IATA GDE) iyo buundada godey,iyo isgaarsiinta noocyadeeda kale sida telka linelineka iy boostada waraaqaha
GAROONKA DAYUURADAHA: (IATA GDE):garoonka dayuuradaha ee godey ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah garoomada ugu wayn bariga afrika ,garoonkan ayaa ladhisay sanadkii (1965-1966) waxaana dhistay shirkad Swedish ah oo lagu magacaabo Skanska ,dherarka wadada garoonka ayaa ah 2288M,joogiisana waa 254M above sea level .garoonkan ayaa ah mid eey isticmaalaan diyaaradaha milatariga iyo kuwa shacabkaba labaduba.
BUUNDADA GODEY:buundada godey waxaa markii u horaysay ladhisay sanadkii 1968kii bundadaas ayaa waxay iskuxirtaa degmada godey iyo deegaanada kuhareeraysan ,buundadan ayaa dib uhabayn waxaa kusameeyay dawlada marykanka.
image
Macadka Beeraha ee Godey


TACLIINTA
Magaalada godey gudaheeda waxaa kuyaala xarummo waxbarasho oo kor u dhaafaya 10, taas oo isugu jirta tacliinta asaasiga ah , Dhexe, sare, iyo kuliyado intaba, kuwaas oo dawr muhiim ah kaqaatay kobcinta iyo sare uqaadida tacliinta magaalada iyo guud ahan tan gobolka xarumahaas waxaa kamid ah :
1-DUGSIGA HOOSA DHEXE BADAL SAGAL
Dugsiga hoose dhexe ee badal sagal waa mid kamid ah dugsiyada kuyaala magaalada godey waxa uu xigaa dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada waxaa uu u dhawyahay wadada aaddda boodh-caano ilaa gidhibka (mi’raab godey), waxaa dhinaca koonfurta kaga aadan booliska gobolka, dhinaca barigana waxaa kaga aadan Qodobaha (guryaha dowladda ee ay dagaan shaqaaluhu), dugsigan waxaa ladhisay qiyaas ahaan sanadii 1993 G C, waxaa dib u habeyn lagu sameeyay labo jeer o marna wasaarada waxbarashada ay kusameysay marna mareykanka uu dayac tir kusameeyay, ardeyda dhigata waxaa lagu qiyaasaa 800 ilaa 900 ardey ah, waxa uu sidoo kale leeyahay khadamaad (Service) sare oo inta badan ay kasimanyihiin dugsiyada kajira halkaas inkasta oo ay jiraan adeegyo badan oo ay wali u baahanyihiinTop of Form 1
image
Shabeele School Gode


2-DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE SHABELLE
Waa dugsi hoose dhexe kaasoo qayb ka ah xarunta ama markazra SHABELLE EDUCATINAL CENTER, waxaa uu ku sifaysan yahay waxa afka qalaad lagu yiraahdo 3 Nones (None governmental, plotical, & Profit making ) Dugsigan waxa uu kuyaalaa xaruntii hore ee SERP dhaxdeeda, waxaa agmara wadada Air portiga , Waxaa dugsigan iskaleh isla markaana maamulla bulshada kudhaqan magaalada godey, dhinaca hirgalinta waxaa iska kaashaday bulshada, Hay’ad waddani ah oo lagu magacaabo AD Horn iyo Safaaradda japan ee Addis ababa.Dhinaca manhaj ahaan dugsigan waxaa uu bixiyaa dhamaan maadooyinka asaasiga ah ee lagu dhigto dugsiyada kajira deegaanka waxaase udheer maadooyin diini ah iyo tarbiyada islaamka,luuqadaha uu wax kubixiyo dugsigan waa luuqadaha soomaaliga iyo axmaariga, halka Englishka, carabiga, loobixiyo kaluuqado ahaan,,,dugsigan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah e bulshadu ay hirgaliso kaasoo sanad dugsiyeedkii ugu danbeeyay 2008/2009 noqday dugsiga ugu tayadda wanaagsanaa gobolka godey…
3-DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE O.W.S
Dugsiga hoose dhexe ee OWS waa mid kamid ah dugsiyada ugu caansan magaalada godey waxaa ladhisay sanadadii 1994/1995 G.C, waxaa uu kuyaalaa dhinaca koonfureed ee magaalada waxaa dhinaca waqooyiga kaxiga guriga gobolka, waqooyi galbeedna bayti mingisti,dhinaca bari waxaa kaxiga xaruntii SERP waxaa hotmara wadada dheer ee aada buundada,Dugsigan laga soo bilaabo xiligii lafuray ilaa maanta waxaa waxkubartay arday or u dhaafaysa 10 kun, waxaana lagu tiriyaa in uu kamid yahay iskuulada ugu tayada sareeya magaalada, waxaa uu dhisme ahaan ka koobanyahay ilaa 30 class oo wax lagu barto, waxaa uu leeyahay inta badan adeehyada uu ardaygu u baahanyahay sida musqulaha, barkado biyo, xarumaha gargaarka dagdaga (First aid) iyo sidoo kale garoomo kubadaha cagta, saladda iyo teniska iwm


4- DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE SAYID MAXAMED CABDILLE XASSAN
waa dugsi hoose dhexe oo kaasoo taariikh dheer leh isla markaana ah dugsigii ugu hreeyay laga dhiso magaalada godey iyo guud ahaan deegaanka , waxaa ladhisay xiligii xayle salaase uu katalinayay dalka, waxaa uu la’da’ kayahay iskulku dhismayaasha taariikhga ah ee magaaladaas kuyaala sida: Isbitaalka wayn ee godey, Haanka dheer ee biyaha, masaajidka, kaniisadda, Guriga umadda (Beyti mingisti),xiligaas oo qiyaas ahaantii ku’aadaneyd lixdamaadkii qarnigii labaatanaad. (1960s).Dugsigan waxa uu kuyaallaa dhinaca galbeed ee magaalada waxaa uu u dhowyahay xarunta wasaaradda waxbarashada (the old ), Guryihii Salaam maragaatki hore, xarunta idaacadda ee qabyada ah, iyo Booliska Gobolka,Waxaa uu dugsigani soo maray magacyo badan ugu danbayna sanadkii 1994 ayaa lagu magacaabay magacan uu hadda sito ee ah (s/m/c/xasan),Dugsigan waa dugsiga ugu ardeyda baddan isla markaana soo saara ardey taya sare leh ardeyda dhigata waxaa lagu qiyaasaa 1700 ilaa 2000.

5- DUGSIGA DHEXE EE U/MASHKOOKE
Dugsiga dhexe ee mashkooke waa dugsi kamid ah dugsiyada kuyaala magaalada Godey, waqti ahaan ardeydu waxay waxdhigtaan galinka danbe (Galableey) ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo (After-noon Students), goob ahaan waxa uu kuyaalaa iskuulka OWS dhaxdiisa, Tirada ardeyda wax kabarata waxaa lagu qiyaasaa 500-600, tayo ahaan iskuulku waa uu sareeyaa, dugsigani malaha fasalada koobaad ilaa lixaad ee isagu waxa usoo gudba ardeyda kasoo baxda dusiyada kale sida ows,tawakal, badal-sagal, doolaal,Sos,Sayidka,iwm kadibna marka ay dugsiga dhexe kudhigtaan ayaa waxa ay uga sii gudbaan dugsiga sare dugsiga da’ahaan masii fogayn waxaa labilaabay kadib markii dugsiga sare uu qaadi waayay ardeyda dhexe sare ee kasoo baxda dhamaan dugsiyada magaalada,
image

6- DUGSIGA SARE EE GODEY
Dugsiga sare ee godey!!! (Gode High School) in kasta oo uu soomaray goobo kala duwan, laakiin hadda waxa uu kuyaallaa dhinaca waqooyi bari ee magaalada gaar ahaan xaafadda B.K, waxaa uu saaran yahay wadada isku xirata birigedhka iyo machadka beeraha, waxaa uu udhawyahay dugsiga doolaal iyo sidoo kale suuqa xoolaha ee cusub,MAAMULKA DUGSIGA: maamulayaashii iyo kuxigeenadoodi soomaray waxaa kamid cali aar, xayle yasus (use less), nuur samsam,c/qaadir,i.w.mTAARIIKHDIISA: dugsigan waxaa uu leeyahay taariikh aad u dheer waxaa lashegaa in uu yahay kan ugu horeeyay ee laga hirgaliyo deegaanka, waxaa lasheegaa in ardeydii udhalatay magaalada ee ugu horaysay ee gasha dugsigan ay kamid ahaayeen: shaafi saxane, maxamed macalin qaalib, nuur yuusuf, Dhoof, c/cumar kadiye…,laakin wixii kadanbeeyay sanadkii 1996 ayey si rasmi ah ardeyda udhalatay degmadu bilaabeen in ay uga soo baxaan isla markaana jaamacadaha gala way sii badanayaan, tirada dugsiga sare dhigata sanad dugsiyeedkan waxaa lagu sheegay in ay yihiin 1600 ardey,waxaase wax lagu farxo ah in sanad dugsiyeedkii 2008/2009 ardeyda heshay jaamacada ay gaareen 31 ardey..DHINACA DHISMAHA: dugsigan waxaa hadda dayactir iyo balaadhin kuwada oo 6 fasal oo cusub kudaraya hay’ah wadani ah oo kashaqeysa dhinaca waxbarashada.
7- GODEY ATVET COLLEGE
Waa mac’hahka ama kuliyadda beeraha ee godey ee lagu magacaabo Godey Agricultural Technical Vocational Education and Training (ATVET) College ,waxaa la’as aasay sanadahii 2002/2003, waxaa dhigata ardey gaareysa 700 ardey oo ka kala yimid sagaalka gobol ee deegaanku ka koobanyahay, waxaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay kuliyadaha fara kutiriska ah ee kajira deegaana kuwaasoo soosaara xirfadlayaal dhinaca beeraha iyo xoolaha ah,kuliyaddu cilmi ahaan waxay ka koobantahay sadex qaybood oo kala ah1-Cilmiga-beeraha, (plant science)2- Cilmiga Xoolaha, (Animal science)3- Cilmiga Dabiiciga ah (N Science) Goob ahaan kuliyadani waxay kutaalaa dhinaca bari ee magaalada waxa ay u dhaxaysaa Air-portiga, Limaadka (state farms) iyo machadka farsamada gacanta ,bilowgii & hirgiliintii college oo ku bilaamay xerada SERp ee magaalada godey sanadkii 2002 ayada oo ay dhiganayeen arday aad u yar maareeyahii ugu horeeyay ee collegekan godey waxaa la odhan jiray DR:Abdi Qani ayadoo xiligaas aan la dobooli karin baahida ay ardayda u qabto inay jiifsadaan goobta waxbarasho isla markaasna waxaa uu dabooli waayay collegeka inay ardayda helaan qaarkood jiif oo ay banaanka ka dhigtaan balse markii danbe ee la dhamaystiray dhismihii collegeka ayuu si fiican u hirgalay collegeka ayadoo oo xiligaas helay collegeka dhamaan adeegyadii uu lahaan jiray college sida gaadiidka loogu adeego ardayda….iwm.
8- GODE HEALTH SCEINCE COLLEGE
Kuliyadda caafimaadka ee godey waxaa marki hore ay kabilaabatay isbitaalka wayn ee godey dhaxdiisa sanadki 2004 iyadoo ah xarun lagu taba baro daryeelayaasha caafimaadka oo mudadeedu ay ahayd 6 bilood, kadib waxaa loo raray macadka beeraha dushiisa oo ay kuyaaleen guryo macadka beeraha uu adeegsan jiray inti dhismihiisu uu socday, laakiin sanadki 2009 kii ayaa xaruntii tababarka daryeelayaasha caafimaadka waxaa loo badalay Kuliyadda caafimaadka ee godey (Gode Health Science College) xarunteedina waxaa laga dhigay guryihii BARTA ee u dhexeeyay garoonka kubadda cagta iyo maabraat xaylka (xooga korantada),iyo maaliyadda. Hadaba xaruntan cusub ee kuliyadda ayaa iyadu ah meel aad istiraatiiji u ah,taasoo leh dhismayaal ay injineerro xeel dheer kufara yareysteen, inkasta oo kuliyadda wali aan lagu wareejinin dhismayaasha oo idil hadana ilaa iyo hadda waxaa ay heshay in ugu filan fasalada waxbarashada , jiifka ardeyda iyo xafiisyadda maamulka….Kuliyadda caafimaadka ee Godey oo ah tii labaad ee laga hir galiyo deegaanka waxaa sanad dugsiyeedkan oo ah kii u horeeyay (inta ay kuliyad noqotay) ku xareysan ardey dhan 150 ardey oo laga soo uruuriyay deegaanka oo dhan.
9- MAC’HADKA FARSAMADA GODEY
Waxaa laga yabaa in ay dadbadan isku khaldaan mac’hadyada godey, laakiin kani waa warshad laakiin waxaa ay kumagacaaban mac’hadka farsamada godey.,,,,Mac’hadkani wa mid farsamo isagu madhigtaan wax ardey ah laakiin wuxuu qabtaa adeegyo kale oo ay bulshadu u baahantahay, hadaba adeegyada uu bulshada u qabto waxaa kamid ah:1- wuxuu sameeyaa dhamaan qalabka beeraha, sida: yaanbooyinka, badeelada, gadhweynta,….2- dhamaan qalabka iskuulada sida kuraasta, miisaska, sabuuradaha, deskiyada .iwm3- dhamaan qalabka guryaha ladhigo sida Sariiraha, armaajooyinka, fadhiyada ….waxaa uu sidoo kale kuyaalaa SERP dusheeda waxaa uu ku aadan yahay Oro godanaha iyo limaadka dhexdooda,waxaa gabi ahaanba ay magaaladu kamaarantay qalab beero, iskuul. xafiis, ama guri ay ugayimadam magaalooyinka kale sida harar iyo jigjiga.

Gobolka Godey waxaa lagu magacaabi jirey GOB waxaana isku dagaaley jabhadii nasrullah iyo xukuumadii xayle salaase uu hogaaminayey Xayle salase oo dagaal adag uu kudhaxmarey halkaas oo ciidamo xoogan lagaga dilley halkaas

Dowladii xeyle salaase ayaa go’aan ku gaartey in tuulada Buulo Mashkooke lasoo raro lana dajiyo godey Godey oo istaraajiidi u ah dhamaan gobolada dalka

Magaalada godey oo markaa lagu magacaabi jirey ban godey ayaa waxaa laga hirgaliyey 6 qodob oo muhiim u ah nolosha aas aasiga ah

1.. Masjid
2. Isbitaal
3. Iskuulka Sayidka
4. Airport (gaaroon diyaarad)
5. Beymingisti (guriga dowlada)
6. Kaniisad

Iyadoo wadooyin waaweyna loo dhisey si istaraajiidi ahna loo dhisey

1977 dii ayay dowladii siyad bare dagaal kusoo qaadey caasimada dagaalkaas oo socdey 13 maalmood iyadoo ay ciidamadii dowladii siyad bare soo dhaafi waayeen haarta shiilaha ee koonfur kaga aadan magaalada godey Kadib dhabar jabin lagu dhuftey ciidamadii xabashida waxaa magaalada gacanta kudhigey ciidamadii dowladii siyaad bare dadkii halkaa kudhaqanaana ay qaxooyi ahaan ugaleen dalkii somalia

1993 dii bur-burkii xukuumadii Siyad bare kadib ayaa malez zanawi xukunka talada dalka ethiopia gacanta kudhigay Godey waxey caasimad unoqotey OGADENIA /span> Iyadoo isugu yimaadeen jabhadihii kadagaalamayey Waxaana ugu weynaa JABHADA ONLF IYO WSLF oo xiligaasi jabhadaha kali ah ee ethiopia caqabad hortaagan ku ahaayeen

Godey waa magaalo saldhig u ah halgan kasta oo ogadenia ka kaca

GODEY GACALO heybad iyo kala sooc midna malahan bulshada kudhaqana wax dhibaato ah lama aynan kulmin

Godey 2001 waxaa laga hirgaliyey mac’hadka beeraha xoolaha nool Godey 2010 waxey marti galisey nabadii ay qaateen WSLF iyadoo si kaash laab ah loogu soo dhaweeyey

Godey waa magaalada kali ah ee la Desin gareeye iyadoon ladagin Godey waxey kakoobantahey 6 xaafadood oo waaweyn oo bulshada kunool ay aad ugu baahsanyihiin, Sidoo kale waa magaalo istiraajiidi u ah gobolada kale ee dowlad deegaanka soomaalieed ee ethiopia isku xirto

Caasimada Godey waxaa kuyaalo in kabadan 7-8 oo waaweyn kuwaas oo kadiwaan gashan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ethiopia kuwaasoo isugu jira dugsiyada hoose dhexe iyo saraba. Waxaa kaloo kuyaaloo tiro

1. Godey
2. Dhanaan
3. Mustaxiil
4. Feerfeer
5. Iimey
6. Qalaafo
7. Cadaadle
8. Galbedka Godey
9. Ceelweyn

One thought on “HISTORY OF GODEY

  1. allaaa yaaa cisak si heer sare ah ayaad usoo gudbisay sxb taariikhda magaalada godey gacalo oo ah caasim da 2 aad ee deegaanka ahna xudunta deegaanka soomaalida itoobiya

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s