The Official Website Of Farah Garane

Http://farahgarane.wordpress.com Kadhigo Wahelkaada rumaad markasta iyo meel walba waa https://farahgarane.wordpress.com

HISTORY OF OGADEN

FAAH FAAHINTA DHULKA OGADEN

Shacbiwaynaha Ogaden waxay daganyihiin dhul aad u wayn oo hadana barwaaqo ah dhulka ogadenya waxaa caygaaga shidaal dabiici ah, waxaa ka mid ah meelaha laga helay shidaalka dabiiciga ah ceelasha.
Jeexdin
Higlaale iyo
Caano malax

Oo dhamaan shilaabo ka wada tirsan iyo
Cobole
Jeexdin
Godey iyo
meelo kale.

Waxaa mara ogaden sedex wabi Nasiib daro beesha way yarayd dad ilbax ah oo dadka ka dhashay Beesha ogadeen waxay u badanjireen xoolo dhaqato lakiin hada aqoon iyo ilbaxnimo ayaga ayaa qaatay marka loo fiiriyo qabiilada kale.

Ogaden waa dhul cimiladiisu dhex dhexaad tahay waxaana lagu qiyaasa celcelisahan heerkulkiisa 25 ilaa 40 digre, ogadenya waxaa ilaahay kumanaystay xoolaha nool ay hodan ku tahay sidoo kale waa dhul ku wanaagsan waxsoosaarka Beeraha xadiga dhulkaa ogaden ayaa waxaa lagu qiyaasaa 370,000 km² Dadka dagana waxaa lagu qiyaasaa 6 ilaa 7 million inkastoo itoobiya ay u diwaangashan tahay 4.5 Ogaden ma ahan dhul kaligii waxaan sidoo kale la yiraadaa qabiil kamid ah qabiilada ugu da’da weyn ee soomaliya. Dhulku waa Ogadeniya halka dadku yahay Ogaden.

TAARIIKHDA OGADENIA

Ogaden waxay soomartay halgamo in badan soo taxnaa oo gobanimo doon ah kuwaas oo ugu horeeyay halgame Axmed Gurey waxaana hada ka socda halgan ay gashaanka uhayso jabhada wadaniga xoraynta ogaden oo loo soogaabiyo (JWXO) ama ONLF taas oo guulo lataaban karo soo hoyisay sanadahan dambe ooy ku diirsadeen shacabka ayaanka daran ee gumaysiga arxanka daran uu rafaadiyay.

Ogadenya waxaa maalin walba ka dhaca dilal sharci daro ah Xadhig, Kufsi, Boob hanti shacab iyo bahdil nooc walba leh oo ugaysto gumaysiga etoobiya.

Laga soo bilaabo sanadkii 2007 ilaa hada oo ah [[2009]] waxaa saaran ogaden xayiraad xaga cunada safarka ama dhaq dhaqaaqa gaadiidka ah dadka dagan iskuma gudbi karaan, waxaana laga xidhay ganacsigii waxa kali ah ee ka shaqeeyana waa diyaarad todobaadkiiba maalin dagta magaalooyinka godey iyo shilaabo.

Ogadenya waxay ka kooban tahay 9 (sagaal) Gobol oo kala ah:-

GOBOLADA OGADEN
Gobol Caasimad
Qoraxeey Qabridahare
Jig-jigga Jig-jigga
Shiniile Shiniile
Afdheer Afdheer
Jarar Dhagaxbuur
Nogob Fiiq
Wardheer Wardheer
Liibaan Liibaan
Shabeelle Godey

Magaalooyinku ugu qadiimisan uguna waawayn ogadenya waxaa ka mid ah

SHILAABO sedex jeer bay gubatay oo sedexduba gumaysigu gubay labo ka mid ah waxaa lagu gubay duqayn xaga cirka ah waxay leedahay goroon diyaaradeed oo caalami ah kaas oo ay dhistay shirkad ruushka laga leeyahay oo ah tii shidaalka heshay. waa magaalo qani ku ah dhidaalka oljada iyo khayraad badan oo uu ka mid yahay xoolaha nool, waana magaalo dadkeedu ganacsiga ku xiran yahay.

QABRIDAHAR oo ah magaalo aad uda wayn ahna meel xarun u ahaanjirtay halgamaayaashii daraawishta ilaa hadana laga arki karo raadkii daraa wiishta.

GODEY oo mar ahaan jirtay caasimadsa ogaden hadana ah magaalooyinka ugu wayn uguna hormarsan kana mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan waa magaalo aad udhaqaale badan waxaana la dhihi karaa waa xarunta dhaqaalaha Ogadenia.

DHAGAXBUUR oo ah magaalo taarikh dheer ku dhex leh ogaadenya islamarkaana xarun o ahaanjirtay gobanimo doonka Ogadenya ilaa hadana wali ah Xarunta gobanimodoonka marna ahaan jirtay xarunta ganacsiga Ogadenya waa magaalo istaraaji ah aadna muhiim ugu ah dadka Ogaadeenka waxayna ku taalaa bartamaha iyo wadnaha wadanka Ogadenya.

Afafka Qalaad sida loogu Dhawaaqo Magaca Ogaden

Am:ኦጋዴን
Ar:أوغادين
Bg:Огаден
Ca:Ogaden
Cs:Ogaden
Da:Ogaden (område)
De:Ogaden
En:Ogaden
Eo:Ogadeno
Es:Ogaden
Eu:Ogaden
Fi:Ogaden
Fr:Ogaden
He:אוגדן
Hr:Ogaden
Id:Ogaden
It:Ogaden
Ja:オガデン
Ko:오가덴
Nl:Ogaden
No:Ogaden
Pl:Ogaden
Pt:Ogaden
Ru:Огаден
Sh:Ogaden
Sv:Ogaden
Sw:Ogaden
Tr:Ogaden
Uk:Огаден
Zh:欧加登

%d bloggers like this: